Dowladda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku soo dhoweysay heshiiskii ay magaalada Jabuuti ku kala saxiixdeen Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
Posted on 10 Jun 2008 by Wiilxarfo
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka, xubinna ka ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ka soo horjeestay heshiiskii ay shalay Jibouti ku wada gaareen Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Posted on 10 Jun 2008 by Wiilxarfo
Ergooyin ka kala socday Dowladda Federaalka Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay ku gaareen Magaalada Djibouti Heshiis dhowr qodob ka kooban kadib muddo 9 maalmood ah oo shirar uga socdeen Hotelka Kempinski iyo Guriga Umadda Jibouti.
Posted on 10 Jun 2008 by Wiilxarfo
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta Baarlamaanka Soomaalida ee ADC-da.
Posted on 22 May 2008 by majiid121
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu wacad ku maray inuu dalka Soomaaliya ka saari doono Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan ku sugan.
“Waxaan rabnaa in aan Ciidamada Itoobiya ka xoreyno Soomaaliya”ayuu ku yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys Wareysi lala yeeshay oo lagu soo daabacay Wargeyska ka soo baxa dalka Britain ee lagu magacaabo The Gaurdian.
“Waxaan rabnaa in aan Ciidamada Itoobiya ka xoreyno Soomaaliya”ayuu ku yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys Wareysi lala yeeshay oo lagu soo daabacay Wargeyska ka soo baxa dalka Britain ee lagu magacaabo The Gaurdian.
Posted on 22 May 2008 by majiid121
Wafdi ballaaran oo ay kala hogaaminayaan Ra'isal Wasaraaha soomaaliya Nuur Cadde iyo Saraakiil sar sare oo ka socota Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.
Posted on 22 May 2008 by majiid121
Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ay qaban qaabinayaan kulan xasaasi ah oo looga hadlayo nabadgelyo xumida kooxaha Al-Shabaab ay ka wadaan gobolada Bay iyo Bakool iyo sidii ay go'aan mideysan ugu qaadan lahaayeen waxgaradkaasi.
Posted on 22 May 2008 by majiid121
Raysalwasaaraha dawladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in aysan waajib aheyn in ciidamada Itoobiya ee jooga dalka Soomaaliya laga soo saaro dalkaasi ,ilaa la sugo amaanka dalkaasi lanaga ciribtiro Kooxaha ka soo horjeeda dhamaanba Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.
Posted on 22 May 2008 by majiid121
Baarlamanka soomaliya ayaa u yeeray Wasaarado hal bowle u ah xukuumada raysalwasaare Nuur Cadde.
Sida uu cadeeyay Afhayeenka baarlamaanka Shiiq aadan Madoobe baarlamaanka ayaa qoraal uu u gudbay xukuumada raysal wasaare nuur cadde waxaa uu kaga dalbaday in ay baarlamaanka horyimaadaan Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha dawlada faderaalka.
Sida uu cadeeyay Afhayeenka baarlamaanka Shiiq aadan Madoobe baarlamaanka ayaa qoraal uu u gudbay xukuumada raysal wasaare nuur cadde waxaa uu kaga dalbaday in ay baarlamaanka horyimaadaan Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha dawlada faderaalka.
Posted on 07 May 2008 by majiid121






